Munaasabad lagu xusayey 53 Guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka Bada oo Muqdisho lagu qabtey

Date:

Munsabadaan oo lagu dabaaldageyay Sanadguuradii 53aad ee Ka soo Wareegtey Aas aaskii Cidanka Badda iyo Xeebaha Soomaaliya isla markaan ay ka qeyba galeen Wasiirka Gaashandhigga Xukumada FS Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Safiirka Dowlada Talyaaniga u Fadhiya Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan CXD ayaa Maanta lagu qabtey Maqaalada Muqdisho.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda ee Xoogga Dalka ayaa goobta waxa ay ku soo bandhigeen Dhoolatus ku aadan Munasabada iygoona adeegsanayey duumo Waxaa goobjooga ka ahaa Wasiirka difac dalka iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Gudoomiyaha hay’ada Cilmi baarista badaha Soomaaliya Admiraal Faarax axmed Cumar Faarxa Qare Iyo Taliyaha Ciidanka Bada Admiraal Madey sheeq nuurow ufurow  ayaa  Si Wada jir ah ugu sheekeyay Marxaladii ay soo mareen Ciidanka Badda Mudadii ay jireen iyo sida loo aas aasey

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas C/wali Jaamac Warsami Gorad  ayaa Hambalyo kadib Munsabada ka sheekey in Taliska  CXD ay ka Go’an tahay tayeenta iyo dhismaha qeybaha kale duween ee Ciidanka.

Mudane Maxamed Sheek C/raxaam Mursal Wasiirka Difaac Dalka oo Gagabadii Munsabada kahadley ayaa ugu horeyn Hambalyo u direy Dhamaan Ciidamada Badda iyo difaac Xeebaha Soomaaliya

1965 ayee aheed markii la aas aasey Cidamada ilaada Bada iyo Xebaha Soomaliya    oo maata oo kale waxaa laga joogaa 53 sano Guuradooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...