Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan oo ka qeyb gashay bandhig Dhaqameed ay ka qayb galeen in ka badan 86 dowladood

Date:

Bandhig dhaqameedkani oo sanadkii mar lagu qabta magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalkane Suudaan ayaa waxaa sanadkan ka qeyb qaatay in ka badan 86 dowladood iyadoo sanad walba ay soo qabanqaabiyaan bandhigani golaha Saaxibtinimada Shacuubta, waxaana goobta lagu soo bandhigayay Bandhig dhaqameedka Jaaliyadaha ku nool Sudan goobjoog ka ahaa Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Sudan, Jaaliyaddda iyo waliba qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Sudan.

Iyadoona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sudan ku soo bandhigeen goobta waxyaalaha Hiddaha iyo Dhaqanka u ah dadka Soomaaliyeed, Taariikhda wadanka ,Cunnooyanka u gaarka ah Soomaalida iyo waliba qaar ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Cabdi Wali Xasan Xuseen oo ah muwaadin inta badan xil iska saara ilaalinta dhaqanka Soomaalida kaalin weyna ka qaatay Bandhig Dhaqameedkani ayaa sheegay inay goobta ku soo bandhigeen wax yaabaha uu caanka ku yahay dhaqankeena suubban.

Bandhigani oo sanadkii mar la qabto ayaa waxaa uu bandhigyadii horay ugu duwanaa inay ka soo qeyb galeen inka badan 86 Dowladood, iyadoo ay Dowlad walba goobta ku soo bandhigeysay waxyaabaha dhaqanka u ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xariga ka jaray dhismaha Buundadda Sabiid iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho 1- Madaxweyne Xasan...