Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan oo ka qeyb gashay bandhig Dhaqameed ay ka qayb galeen in ka badan 86 dowladood

Date:

Bandhig dhaqameedkani oo sanadkii mar lagu qabta magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalkane Suudaan ayaa waxaa sanadkan ka qeyb qaatay in ka badan 86 dowladood iyadoo sanad walba ay soo qabanqaabiyaan bandhigani golaha Saaxibtinimada Shacuubta, waxaana goobta lagu soo bandhigayay Bandhig dhaqameedka Jaaliyadaha ku nool Sudan goobjoog ka ahaa Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Sudan, Jaaliyaddda iyo waliba qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Sudan.

Iyadoona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sudan ku soo bandhigeen goobta waxyaalaha Hiddaha iyo Dhaqanka u ah dadka Soomaaliyeed, Taariikhda wadanka ,Cunnooyanka u gaarka ah Soomaalida iyo waliba qaar ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Cabdi Wali Xasan Xuseen oo ah muwaadin inta badan xil iska saara ilaalinta dhaqanka Soomaalida kaalin weyna ka qaatay Bandhig Dhaqameedkani ayaa sheegay inay goobta ku soo bandhigeen wax yaabaha uu caanka ku yahay dhaqankeena suubban.

Bandhigani oo sanadkii mar la qabto ayaa waxaa uu bandhigyadii horay ugu duwanaa inay ka soo qeyb galeen inka badan 86 Dowladood, iyadoo ay Dowlad walba goobta ku soo bandhigeysay waxyaabaha dhaqanka u ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...