Gen Muqtar Xuseen Afrax oo laba qeybood qeyb kamid ah Mushaarkiis ugu deeqay Agoonta Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed (sawirro)..

Date:

Kulanka todobaalaha  ah ee ciidamada Booliiska ayaa lagu qabtay Xarunta agoonta ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka-Sare ayaa ka qeyb-galay munaasabaddan mooralkooda loogu dhisay agoonta eey ka tageen ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Masuuliyiin kala duwan oo ka socday aqalka sare iyo saraakiisha Booliiska ayaa ka hadlay munsaabaddan,  iyagoo ka wada sinnaa sidii loo caawin lahaa caruurtan aabayaashooda ku waayay difaaca dalka eey uga jireen.

Gen Muqtaar Xuseen Afrax oo ah sii hayaha Taliyaha Ciidadmada Booliiska Soomaaliyeed sidoo kale ah ku xigeenka Taliyah Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu deeqay Caruurta agoonta Booliiska Mushaarkiisa marka loo qeybiyo labo  qeyb kamid ah, waxa uuna sidoo kale  ugu baaqay madaxda dalka iyo qeybaha kale ee bulshada in eey caawiyaan caruuta agoonta ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Dhawaan ayaa la furay xaruntan oo muddo kadib dib loo howl-geliyay, waxaana xariga ka jaray Wasiirka Amniga  Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, isagoo waqtigasi sheegay in eey ku fureen tira yar oo aan aheyn dhammaan agoontii waaye aabaayaashooda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...