Eng, Yariisow oo Ka qeyb galay Xafladda dib u howl-galinta Dugsiga Sare ee 15 May (Sawirro).

Date:

Dib u howl galinta Dugsiga 15-May waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Soomaaliya, Safiirka Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya Mr.Waliid Ismaaciil, Maamulka Degmada Warta Nabadda Fanaaniin iyo Qeybaha bulshada.

Gudoomiyaha gbalka Banaadir ahna duqa Muqdisho  Eng Yariisow ayaa qeyb-qeyb u kor meeray fasallada eey wax ku bartaan ardeyda,  isagoo ardeyda ku dhiiri  galiyay in eey si wanaagsan wax u bartaan,  islamarkaana eey wax-barashada u huraan waqtigooda si’ eey uga mid noqdaan bad-baadiyaaasha Mustaqbalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada ee Gobolka Benaadir Seynab Maxamuud Warsame (Xaabeey) ayaa ugu horeyn ka hadashay munaasabada Dib u howl galinta Dugsiga 15-May, waxa eeyna sheegtay in ka maamul degma ahaan eey ku faraxsan-yihiin in degmada eey fursad u hesho in dib loo howl-geliyo mid kamid ah Schoolada taariikhiga ah ee degmadu leedahay.

dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Hadiha iyo Tacliinta Sare Dowladda Soomaaliya Cabdiraxman Daahir Cismaan  ayaa ku dheeraaday  ka hadalka  dugsiga isagoo tilmaamay taariikhda faca-weyn ee uu ku fadhiyo dugsiga 15-May.

Ugu dambeyn duqa Muqdisho Eng Yariisow ayaa sheegay in  maamulkiisa ahmiyad gaar ah uu siin doono horumarinta adeegyada bulshada sida wax-barashada, isagoo sidoo kale si gaar ah ugu mahad celiyay dowladda Masar oo iyada bixineysaa qarashaadka barayaasha wax ka dhiga Schoolka 15-May.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...