Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo qaban-qaabineysa shirweynaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Jabuuti

Date:

 

(Muqdisho, Febraayo 6, 2018) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada ayaa sheegay in wasaaraddu qabanqaabineyso shirweyne ay ka soo qeyb galayaan shirkadaha isgaarsiinta ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo looga xaajoon doono sida la isaga kaashan karo mashruuca xarigga internetka ee Djibouti African Regional Express (DARE) oo ay fikraddiisa leedahay shirkadda Isgaarsiinta ee Jabuuti.

Wasiirka oo hadalkan sheegay ka dib markii uu soo gabagabeeyay socdaal 2 maalmood qaatay oo u ku tagay dalka Jabuuti ayaa sheegay inay shirkan ka wada shaqeynayaan Wasaaradda Isgaarsiinta ee dalka Jabuuti, ujeeddaduna tahay sidii looga arrinsan lahaa mashruuca DARE oo ah xarin internet oo isku xiraya Jabuuti iyo Mombasa, isagoo sii maraya Berbera, Boosaaso iyo Muqdisho.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ansixintii sharciga isgaarsiinta iyo tirada xargaha internetka oo ku yar dalka, ay fursado iskaashi oo heer gobol ah u furayaan shirkadaha isgaarsiinta Soomaalida.

Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan wuxuu sidoo kale xusay in Boostada Soomaaliya ay billowday in warqadaha loo soo marsiiyo dalka Jabuuti, iyadoo labada bilood ee soo socotana la qorsheynayo in warqadaha baxaya ay sii maraan dalka Jabuuti.

Safarka wasiirka ayaa imanaya qiyaastii 6 bilood ka dib markii uu dhiggiisa Jabuuti, Mudane Abdi Youssouf Sougueh, la saxiixday heshiis ay labada wasaaradood isaga kaashanayaan arrimaha isgaarsiinta iyo boostada.

“Waxaan jecelahay inaan u mahadceliyo wasiirka isgaarsiinta Jabuuti oo si wanaagsan noo soo dhoweeyay. Waxaana rajeyneynaa in marka ay Muqdisho noogu yimaadaan dhammaadka bisha dambe in aan go’aan ka wada gaari doonno arrimaha aan isku soo afgaranay,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...