Madaxweyne Farmaajo oo u furay shirka golaha amniga Qaranka

Date:

Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxaana looga hadlayaa Xaaladda guud ee Amniga dalka, waxyaabaha ka qabsoomay shirarkii hore iyo wixii aan qabsoomin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ah shirka guddoomiyaha ayaa furay kulanka waxaana sidoo kale ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Muddada uu socdo kulamada shirkan waxaa dib u eegid lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo Ciidanka Xoogga, iyadoona la gorfeynayo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha xoogga la saarayo.

Shirka Amniga Qaranka waa madasha kaliya ee haatan ay si joogta ah ugu kulmaan Madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, waxa uuna leeyahay guddiyo hoosaad iyo xeer anshax.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

25-carruur Soomaaliyeed oo adeeg caafimaad oo muhiim ah ka helay Talyaaniga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji,...

Wasiir Daa’uud Aweys” Xukuumadda DanQaran waxay ahmiyad gaar siisay horumarinta Dalxiiska Dalka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo la kulmay Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka...

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...