Madaxweyne Farmaajo oo u furay shirka golaha amniga Qaranka

Date:

Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxaana looga hadlayaa Xaaladda guud ee Amniga dalka, waxyaabaha ka qabsoomay shirarkii hore iyo wixii aan qabsoomin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ah shirka guddoomiyaha ayaa furay kulanka waxaana sidoo kale ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Muddada uu socdo kulamada shirkan waxaa dib u eegid lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo Ciidanka Xoogga, iyadoona la gorfeynayo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha xoogga la saarayo.

Shirka Amniga Qaranka waa madasha kaliya ee haatan ay si joogta ah ugu kulmaan Madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, waxa uuna leeyahay guddiyo hoosaad iyo xeer anshax.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...