kulan lagu qiimeynayo qaab dhismeedka iyo dib u casriyeeynta heyโ€™adaha dowladda oo Muqdisho lagu qabtey.

Date:

Kulankan oo lagu qabtay xarunta Akadeemiyada cilmiga Fanka iyo Suugaanta waxaa ka qeybgalay R/wasaare ku xigeenka dalka, wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada,gudoomiyaha gudiga Qaran ee Shaqaalaha rayidka, agaasimayaal, madax waaxeedyo iyo masโ€™uuliyiin ka socotay heyโ€™adaha dowladda.

Gudoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta oo kulankaasi ka hadlay ayaa codsaday in xafiisyada dowladda laga dhaqangeliyo afka Soomaaliga, isagoo tilmaamay in akadeemiyadu ay gogol u tahay hayโ€™adaha dowladda.

Gudoomiyaha gudiga Qaran ee shaqaalaha rayidka ah Xasan Abshiroow ayaa tilmaamay in dib u habeyn lagu sameeyay 10 heyโ€™adood, ย isagoo xusay in haddana la qorsheynayo in dib u habeyn lagu sameeyo heyโ€™adaha kale ee dowladda si loo tayeeyo shaqada ay u hayaan bulshada.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sheegay in ujeeddada kulankan ay tahay tayeeynta hab maamulka heyโ€™adaha dowladda.

R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed โ€œQadarโ€ oo si rasmi ah u furay kulankaasi ayaa tilmaamay in xukuumaddu ay mudnaanta siineyso dib u habeynta heyโ€™adaha, isagoo tibaaxay in sanadkan uu yahay sanadkii waxqabadka iyo fulinta.

Kulankan uu maanta furay R/wasaare ku xigeenka ayaa ah wajiga labaad qorshe ay dowladdu dib u habeyneyso qaab dhismeedka heyโ€™adaha dowladda, Iyadoo xukuumaddu ku guuleysatay dhib u dhiska toban ka mid ah heyโ€™adaha dowladda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...