Dhalinyara ka kala yimid qaar kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir oo taba-bar loogu soo xiray Muqdisho-(sawirro).

Date:

Xog-hayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Omar Abdirizak Hussein ayaa maanta soo xiray Tababar socday Mudo 3 bilood ah oo loo qatay qaar ka mid ah Dhaliyaradda Gobolka Banaadir , kuwas oo gaaraya 150 dhalinyaro ah.

Degnmooyinka Wadajir, DHarkenley, Kaxda, Deyniile iyo Heliwa ayay ka socdeyn dhalinyaradani waxaana Mudana 3da bilood ah lagu barayay Casharo kala duwan sida: 1-Community Work (Iskaa Wax U Qabso ), 2-Lifeskill ( Xirfdaha Nolosha), 3-Vocational Training (Farsamooyinka), 4-Business (Maareeynka Ganacsiga), 5-Computer (Xirfadaha Computerka ), 6-First Aid (Gargaarka Deg Degga Ah).

Barnaamijka shaqeeyso waa mashruuc loogu tala galay in kor loogu qaado aqoonta dhalinyarada soomaaliyeed dhinaca xirfadaha iyo farsamooyinka si ey u maareeyaan nololshooda waxaana taageeradiisa dhaqaale bixineysa Hey’adda UNHABITAT-Somalia iyadoo uu Maamulka Gobolka Benaadir uu bixinayo fududeeynta iyo farsamooyinka barnaamijkan.

Mashruucaan waxa uu soo maray heerar  kala duwan oo kala ah wajiyada 1aad iyo 2aad oo horay usoo dhamaadeen bilowgii sanadka 2017-ka iyadoo Octobar 2017 uu bilowday barmaajika wajigiisi 3aad kaas oo maraayo heer gabagabo ah.

Mudane Omar Abdirazak Hussien ayaa kula dar-daarmay dhalinyarada dhameysatay taba-barkan in ay ku shaqeeyaan kuna anfacaan degmooyinkooda.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...