Kulan looga hadlaayay Haweenka iyo Xuquuqul-insaanka oo lagu qabtey Magaalada Nairobe

Date:

Shalay ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Nairobe ee Dalka Kenya kulan ay halkaasi ku lahaayeen xubno ka socday Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul-goboleedyada Dalka ka jira.

Kulankaasi oo socday muddo shan Maalmood ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen wada tashiyo iyo wada shaqeyn sida ay u wada yeelan lahaayeen Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka XFS iyo kuwa Maamul-goboleedyada Dalka ka jira.

Kulankaasi oo ku soo dhamaaaday sidii loogu talagalay ayaa waxaa soo agaasintay Hey’adda UN Women oo ay horkaceysay Faadumo Qaasim Dayib oo shirkaasi wada tashiga gacan ka geysatay, waxaana lagu kala qaatay warbixino, iyadoo kulankaasi gabagabadiisii ayaa la isku af gartay in Wasaaradda Haweenka ee Xukuumdda dhexe iyo kuwa Maamul-goboleedyada ay joogteeyaan wada shaqeyntooda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida...

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire...

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay...