Kulan looga hadlaayay Haweenka iyo Xuquuqul-insaanka oo lagu qabtey Magaalada Nairobe

Date:

Shalay ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Nairobe ee Dalka Kenya kulan ay halkaasi ku lahaayeen xubno ka socday Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul-goboleedyada Dalka ka jira.

Kulankaasi oo socday muddo shan Maalmood ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen wada tashiyo iyo wada shaqeyn sida ay u wada yeelan lahaayeen Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka XFS iyo kuwa Maamul-goboleedyada Dalka ka jira.

Kulankaasi oo ku soo dhamaaaday sidii loogu talagalay ayaa waxaa soo agaasintay Hey’adda UN Women oo ay horkaceysay Faadumo Qaasim Dayib oo shirkaasi wada tashiga gacan ka geysatay, waxaana lagu kala qaatay warbixino, iyadoo kulankaasi gabagabadiisii ayaa la isku af gartay in Wasaaradda Haweenka ee Xukuumdda dhexe iyo kuwa Maamul-goboleedyada ay joogteeyaan wada shaqeyntooda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...