Trump oo loo jeediyay in uu xayiraadda ka qaado Soomaalida..

Date:

Ergayga gaarka ah ee hayโ€™adda qaxootiga adduunka ugu qaabilsan Soomaalida, danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa ugu baaqay dawladda Maraykanka inay ka laabato goโ€™aankaas, isagoo sheegay in dadka Mareykanka loo qaadayo ay yihiin kuwa ugu nugul qaxootiga.

Danjire; Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay inuu hoos u dhac ku yimid tan iyo intii la doortay Donald Trump qaxootigii Soomaaliyeed ee Sanad walba geli jiray Dalka Marayknka,

Sanaddii 2015 ayuu sheegay inay baxeen 7074, halka 2016-diina ay 10โ€™000, heleen dib u dejin, sanaddii 2017-diina la qaabbilay,2000 oo keliya, balse wuxuuna sheegay inay Sanadkii inna dhaafay hayโ€™adaha socdaalku diiwaan geliyeen ku dhawaad 20,000 oo Qof, balse uu saamayn ku yeeshay goโ€™aankii Donald Trump eek u aaddanaa soo galootiga.

Dadka Soomaaliyeed ee muddada dheer ku xannibnaa xeryaha qaxootiga Adduunka gaar ahaan Bariga Afrika ayaa u badan Dad jilicsan oo ay ku jiraan Dad xanuunsan oo u baahan adeegyo caafimaad.

Maxamed Cabdi Afeey ayaa u sheegay maamulka Trump inay Soomaalidu yihiin Dad fir-fircoon ooh al-Abuur leh, kuwaasoo wax weyn kusoo kordhin kara gudaha Dalka Maraykanka.

Xigasho/VOA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...