Ra’isul wasaare Kheyre oo la kulmay madaxda wadamada Canada iyo Ruwaanda (sawirro)

Date:

Isaga oo ka qeyb galaya shir looga hadlayo dhaqaalaha adduunka oo ka socda wadanka Switzerland  ayuu ra’isul wasaare Xasan Cali Khyre la kulmay dhowr waddan madaxdooda waxa uuna si gaar  ugu bandhigay sida ay Soomaaliya u daneyneyso wadamadaas xiriirkooda.

Dhowr wadan ayuu la kulmay madaxdooda iyagoo is dhaafsaday xiriiro laba geesood ah oo ku dhisan ixtiraam, waxaana madxda uu la kulmay kamid ah Maamulaha Bangiga adduunka Kristalina Georgieva, Ra’iisul wasaaraha Norway Erna Solberg,  Raiisal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibada Dalka Qatar Sheikh Muhammad Abdulrahman Al Thani , Ra’isul wasaraha Canada iyo Madaxweynaha wadanka Kigali.

“Waxaan kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Canada  Justin Trudeau, waxaan ka wada hadalnay adkeynta iyo dardar gelinta xiriiirka ee labada dal”. ayuu yiri Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre  mar ay kulmeen isaga iyo Ra’isul wasaraha Canada.

Dhanka kale waxa uu sheegay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre in uu la kulmay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame  waxa uuna sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarka guud ahaan qaaradda Afrika iyo sidii Soomaaliya iyo Rwanda xiriir dhow u yeelan lahaayeen.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa sidii ay u soo celin laheyd xiriirkii kala dhexeeyey dunida inteeda kale, waxaana dhammaan kulamada Ra’isul wasare Kheyre eey qeyb ka yihiin xoojinta xiriirka arrimaha dibadda Soomaaliya..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...