Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya (sawirro)

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Addis Ababa Dhiggiisa Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u dhexeeya labada dal.

Amb. Ahmed Awad iyo Dr. Workneh Gebeyehu waxa ay si qotodheer u fallanqeeyeen arrimaha ammaanka, ganacsiga , maalgashiga iyo suuragalnimada xiriir furan oo u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Waxaa lagu wadaa in bisha March, 2018 markii ugu horreysay labada dowladood ay yeeshaan Guddi heer wasiir ah oo qaadaa-dhiga waxyaabo halbowle u noqon kara iskaashi sal adag oo labada dal ay yeeshaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...