Shir Jiraaโid uu xafiiska ku qabtaay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib dhiska iyo Gureynta Xukuumadda Soomaaliyaย Eng Saadaq Cabdulahi Cabdiย ayaa ahaa mid uu ugu hadlayaay waxqabadka Wasaaradda mudada Sideedaย bilood ee la soo dhaafay, isagona sheegaay iney waddaanย qorshayaal lagu horumarinaayoย dhismiyaasha dalka.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska ayaa marka hore sheegay in mudada kooban ay xafiiska joogaan u qabsoomay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin tayeenta iyo qiimeynta shaqaalah sii loo ogaado iney qaban karaan fuulin karaan mashaariicda waaweyn ee dalka
Sidoo kale, Wasiirka Saadaq oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiriโ Waxan fulinaay mashaaric oo ay ugu horeysaayย tijaabooyin iyo daraasad lagu sameeyay dhismiyaashi bur buray oo ugu horeysaayย bankagiย ganacsigi keydka Soomaaliyeed iyo Wasaradda Waxbarashada, waxa inoo soo baxdaay in Wasaradda iyo injineerada iyo dhamaan qeybaha kala duwaan ee waxyaha kale iney fuliyaan howlaha loo igmaday Wasaaradda ,waxa jiro in wasaaradda mudada ay jirtaay daahfuurtay waddo 4km iyo bar oo isku xirtoย afgooye iyo carbiska oo ay iska kaashadeen dowlada norwey iyo ganacsato Soomaaliyeedย waa marki ugu horeysay dadka soomaaliyeed isku tashaadan iney dalkooda dhistaan uu soo istaagaan.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Eng Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa hoosta ka xariiqay in heer gaba gaabo ah maraayo dhameystirka Mashruuca dhismaha Muqisho iyo Afgooye, isagoo dhanka kale tilmaamay in dhawaan daahfurmi doona mashruucaas oo ka koobaan 23km oo ka bilabanayo E- control Afgooyeย ilaa iyo Carbiska.
Dhanka kale,Wasiirka Wasaradda Howlaha Guud iyo dib uu dhiska Xukumadda Soomaaliya Eng Saaadaq C/llaahi Cabdiย ayaa ugu baaqaay Hayโadaha caalamiga iyo shirkadaha dhismiyaasha eeย ka howl gala dalka iney iska soo diwaan galiyaan Wasaradda si loola socdo waxqabadkooda.
โDhamaan shirkadaha iyo shaqalaha ka shaqeyo dhismaha dalka ee an wali iska soo diiwan galinin wasaradda waxa la farayaย iney isa soo diiwaan galiyaan waxan kalo baaqa uu diraya shirakadaha ajaanibtaย ee ku howlaan dhismiyasha guriyaha iney ayagona isa soo diiwan galiyaanโ,Ayuu yiri Wasiir Saadaq C/llaahi Cabdi.