Shariif Xasan oo safar dhulka ah ku tegay degmada Bardaale (sawirro)

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi  uu hoggaaminayo, ayaa safar labo maalin qaatay oo dhanka dhulka ah ku tegay Degmadda Bardaale ee Gobolka Baay, Shacabka iyo ma’uuliyiinta Degmada ayaa meel dhowr KM u jirta Bardaale ugu hormiyid Madaxweynaha iyo Wafdigiisa, kadibna u galbiyay hoyga loogu tala galay.

Dhanka kale Madaxweynaha Koofur Galbeed, ayaa Degmada Bardaale kaga qeyb galay xafladda caleemo saarka Guddoomihaya degmadaasi iyo kuxigeenkiisa, wuxuuna kulan laqaatay Golaha Deegaanka, isaggoo sidoo kale dhagax-dhigay Saldhiga iyo isbitaalka Degmada Bardaale.

Madaxweyne Shariif Xasan, ayaa sheegay in safarkaasi uu  ahaa mid guul iyo hormar u ah Shacabka Reer Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana uu bogaadiyey Saraakiisa Ciidamada kala duwan ee Koonfur Galbeed, Police-ka dowladda dhexe, NISA iyo AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...