Ra’iisulwasare Kheyre oo Kulmo Gooni-goni ah la qaatey Madaxda ka qeyb galeysa shirka dhaqalaha aduunka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo  Magaalada Davos ee Dalka Switzerland kaga qeyb galaya shir looga hadlayo Arrimaha dhaqaalaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay  dhigiisa Norway Erna Solberg Kulanka labada dhinac oo qaatay daqiiqado badan ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo labada dal quseeya oo ay ka mid ahaayeen sii xoojinta xiriirka labada Dal u dhaxeeya iyo sidii Norway u sii kordhin laheyd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre,Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marka hore Dowladda Norwey kaga mahad celiyay taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya, Wuxuuna sheegay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya in Norwey si gaar ah kaga qeyb qaadato Horumarka Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay Dalalka ka tirsan Qaaradda Afrika ee lagu marti qaaday ka qeybgalka shirka Magaalada Davos, waxaana ku matalaya Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa magaalada Davos kula kulmay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxweyne ku-xigeenka dalka Koonfur Africa Cyril M. Ramaphosa, Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Mr.Tony Blair iyo Mas’uuliyiin kale oo uu kala hadlay sidii taageero xooggan loo sii lahaa Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...