Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo albaabada u xiray meel lagu farsameyn jiray wax yaabaha maanka dooriya. Sawirro.

Date:

Howlgal Ciidamada amniga Soomaaliya ay  ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir ayaa waxa ay gacanta  ku dhigeen goob lagu Karin jiray wax yaabaha maanka dooriya iyo Saddex ka mid ah dadkii karinayay iyo kuwii ka ganacsanayay wax yaabahaas maanka dooriya.

Gudoomiyaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Xaaji Nuur ayaa bartiisa  Facebooka ku shaaciyay muqaalo iyo sawirro muujinayo howlgal ay sameeyeen ciidamada amniga oo waaxda Nageyle ka sameynayo howlgalo lagu soo afjarayo goob lagu diyaarin jiray wax yaabaha maanka dooriya sida calaqa.

waxa uu soo bandhigay  Digsiyadii iyo Caagagii Calaqa lagu sameynayay iyo dhammaan agabkii ay isticmaalayeen ragga ku howlanaa sameynta Calaqa kuwaas oo uu sheegay in ay qeyb ka ahaayeen kuwa dhibaatada ku hayay Shacabka degmada Kaaraan.

Howlgalka  ayaa imaanayo xilli shalay banaanbax cabasho ah ay dhigeen Shacabka degmada Kaaraan, intaas kadib howlgal la sameeyay ayaa lagu soo qabtay 11 Nin oo sida la sheegay ka mid ahaa maleeshiyaad dhibaato ka waday Suuqa degmada Kaaraan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...