Shirweynaha Qaran ee Siyaasadda Sugnaanta Cuntada iyo Horumarinta Beeraha oo Muqdisho lagu qabtey

Date:

R/wasaare ku xiggeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ahne ku simaha Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha  Qaran ee Siyaasadda Sugnaanta Cuntada iyo Horumarinta Beeraha oo socon doono Muddo Seddex Maalin ah, kaasi oo looga arrinsanayo siddii loo dajin lahaa siyaasadan oo muhiim u ah Wax soo saarka Dalka iyo Wax ka qabashada Abaaraha soo laablaabtay.

Shirweynaha Qaran, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiradda Beeraha ee Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada, Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha XFS, Xubno ka socday Hay’adda Cunada iyo Beeraha Adduunka iyo Ganacsato Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid oo Shirweynaha Qaran ka hadlay, ayaa  waxa uu tilmaamay inay ka go’antahay siddii loo xoojin lahaa wax soo saarka dalka.

R/wasaare ku xiggeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in Xukuumadda dedaal ay ugu jirto siddii loo kobcin lahaa wax soo saarka Beeraha iyo Dhaqaalaha Dalka, si wadankeena uu u gaaro Horumar ballaaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...