Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, S/gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa Ehelada, Ummadda Soomaaliyeed iyo Taliska Ciidanka Xoogga uga tacsiyadeeyey Geeridii ku timid Taliye ku xiggeenkii Ciidanka Badda Soomaaliya, Ex Admiral Saciid Aadan Yuusuf oo shalay magaaladda Muqdisho lagu dilay.
Wuxuu Alle uga baryay in uu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo, Issagoo sheegay in uu ahaa qof karti leh, islamarkaana lagu yaqiinay gudashada waajibaadka qaran, kuna amaanay dowrkii uu qaatay intii uu nolaa.
Taliye Gorod, ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay shaqsigii ka dambeeyey dilka Marxuum Ex Admiral Saciid Aadan Yuusuf, waxaana uu tilmaamay in Cadaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeni doono.