Ololihii wacyi gelinta doorashooyinka oo ka bilaabanaya Garoowe.

Date:

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland waxa ku sugan Xubno ka socda Guddiga doorashooyinka Madaxa banaan kuwaas ooย  la filayo in ay shir ka furaan.

Xubnaha Guddigaas oo shalay gaaray Garoowe ayaa waxaa hoggaaminaya Gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Madaxa banaan Sayid Cali Sheekh Maxamed waxa uuna sheegay in shirkaas Sabtida Berito ah ay furi doonaan.

Waxa uu sheegay in ay shalay la kulmeen Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey iyaga oo kala hadlay ย sidii uu shirkaasi u furmi lahaa.

Waxa uu intaas sii raaciyayย  in shirkaas uu yahay mid loo qabanayo Bulshada ku nool Garoowe kuwaas oo ay kala tashanayaan sidii ay ku dhici karto doorashada Sanadka 2020.

Guddiga doorashooyinka ayaa horrey u soo maray qaar kamid ah maamulada dalka iyagoo wili ay u harsan-yihiin kuwa kale oo ay gaarsiin doonaan wacyi gelinta ka qeyb galka doorashooyin shacbiyadeed oo dalka ka dhaca.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...