Madaxweyne Farmaajo “Dhulka dowladda lama hibeyn karo, lama bixin karo, lamana wareejin karo”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka danta guud ee caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa yiri “Sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Ilaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.”

“Iyada oo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah. Haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah.”

“Markii la I doortay, waxaan ballan qaaday inaan ilaalinayo ammaanada la ii dhiibay, dhulka dowladdana wuxuu kamid yahay ammaanadaas. Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in guddi heer qaran ah aan u saari doono arrimaha la xiriira dhulka si baaritaan dhab ah loogu sameeyo, loona hubiyo inaan dhul dan guud loo adeegsan dan shakhsiyadeed.”

Madaxweynuhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha ay khoseyso arrintan inaan la bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...