Galmudug oo ku shaqeyneysa caasimaddeeda Dhuusamareeb

Date:

Munaasabada dhameestirka Heshiiska dowlad goboleedka Galmudug iyo Ahlu sunna ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhusmareeb ee Xarunta dowlad goboleedka Galmudug waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo Madaxda dowlad goboleedyada, mas,uuliyiin ka socota golayaasha dowladda federaalka Soomaaliyaiyo iyo Beesha caalamka.

Munaasabadaasi ayaa madaxdu ku bogaaadiyeen heshiiska taariikhiga ah ee labada dhinac horay ay ugu gaareen dalka Djibouti maantana lagu dhameestiray Caasimada Galmudug waxaa ka hadlay halkaasi madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo bogaadiyay dhinacyada Galmudug iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay heshiiskaas.

Madaxa xukuumadda dowlad goboleedka Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ugu horeyn hadlay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in heshiiska la dhameestiro isla markaana ay diyaar u yihiin Ahlu sunna fulinta heshiiskaas oo culeesyo badan laga soo maray.

sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele xaaf ayaa ka hadlay oo isna sidaas oo kale bogaadiyay heshiiska waxaa uu uga mahad celiyay Ahlu sunna sida ay u aqbaleen in la helo Galmudug oo mid ah isla markaana hal maamul leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kula dar daarmay dhinacyada Galmudug ee maanta heshiiska taariikhiga ah kala saxiixday iyo guud ahaan shacabka in la hormariyo Galmudug cadawgana halmeel looga soo wada jeesto, waxaa uuna madaxweynuhu amaaney kartida ay muujiyeen Ahlu sunna iyo Galmudug.

galmudug ayaana loo ka fadhiyaa maalmaha soo socda in ay ku shaqeyso caasimada cusub ee dhuusamareeb

D

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Doorashada Guddoonka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo maanta lagu qabaayo Muqdisho

Doorashada Guddoonka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka ayaa goordhow...

Soomaaliya iyo Ruushka oo kala saxiixday heshiis is afgarad Caafimaad

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Mudane Dr....

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga heer qaran ee la-dagaallanka tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Kulan Muqdisho ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga XFS & Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu...