Taabid oo si weyn loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Guddoomiye Thaabit ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Soomaaliya C/qaadir Macalin Nuur,waxaana Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir iyo mas’uuliyiin kale.

Soo dhoweyn ka dib Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo wafdigiisa ayaa loo gudbiyay xarunta madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud halkaasi oo Xildhibaano ka tirsan  labada Aqal ee Baarlamaanka kaga horeeyaan.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa inuu gaaro madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya halkaasi oo lagu qabanayo shir lagu dhaqan gelinayo heshiiskii ay wada gaareen maamulka Ahlu suna iyo Galmudug oo si rasmi ah la isugu darayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...