Gabdho Ardey soomali ah oo Dalka Suudaan uga qeyb galey Bandhig Dhaqameed Haweenka Africa.

Date:

Bandhiga habeenka dhaqanka oo ay qabato Jaamicadda Axfaadย ee Dalka Suudaanย  ayaa loogu magac daray habeenkii dhaqanka.

waxaanaย ka qeyb galay Dalalย  badan oo Ardaydoodu ay Wax ka bartaan Jaamicadaasi,ย  Soomaaliya ayaa wax ay ka mid aheed dalalka ka qayb galey ardaydooda Bandhigaasi.

Axfaad oo ah Jaamacad ay dhigtaan Haweenka oo kaliya ayaa Sanadkii mar waxaa ย lagu qabtaa bandhig dhaqameed ay dhaqamadooda ku soo bandhigaan dhamaan Dowladaha ay ardaydoodu dhigtaan Jaamacaddaasi.

Bandhiga ayaa ka dhacayay Xarunta Jaamacadda Axfaadย ย waxaa ka soo qeyb galay dad weyna aad u fara badan iyo qaar ka midah Ardayada Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalka Suudaan iyo waliba madaxda Ururka Ardayda Soomaaliyeed.

Gabdhaha Soomaaliyeed ee dhigta jaamacadda Axfaad ayaa door la taaban karo ka ciyaaray mudadii uu socday bandhiga waxeyna goobta ku soo bandhigeenย waxyaabaha hiddaha iyo dhaqanka u ah dadka Soomaaliyeed, taariikhda wadanka ,Cunooyanka u gaarka ah Soomaalida iyo walibaย qaar ka mid ah Cayaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Xoghayaha guud ee midowga ardayda Soomaaliyeed ย Dalka Suudaan Cabdiraxmaan Maxamed Saciid iyo Maxamed Cismaan Cali โ€œMucjisoโ€ ayaa aad u bogaadiyay Gabdhaha Soomaaliyeed doorka fiican ee ka qaateen bandhiga.

Dowladaha ka qeyb galey bandhigan ayaa waxay ahaayeen kuwo aad u badnaa iyadoonaย Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay munaasabada lagu soo bandhigayay Bandhig Dhaqameedka ayaa aad ugu helay Dhaqanka Soomaalida, iyagoo waxbadan ka bartay dhaqamada Soomaalida iyo waliba Taariikhada Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale