Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Qandho

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Qardho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Masuuliyiinta Magaalada Qardho iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa wafdiga Madaxweynaha kaga hortagay magaalada banaankeeda si ay u soo dhaweeyaan, waxaana dhamaan wajiyadooda ka muuqday dareen farxadeed ay u qabaan in Madaxweynaha uu soo booqdey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la qaadan doona Masuuliyiinta, waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho , waxa uu  kala hadli doona Arrimo badan oo ku saabsan horumarka Bulshada iyo sidii wadajir loogu wada shaqeyn lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in deegaano kale oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug uu booqdo maalmaha soo socda waana booqashadii ugu horeysay Madaxweynaha Soomaaliya uu tago deegaanadaasi tan iyo markii la doortay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...