Wasiirka Waxbarashada XFS oo tababar u furay 25 macalimiin ah.

Date:

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka  Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa maanta Siminaar Socon doona shan malmood ugu  furay magaalada muqdisho 25 macalimiin oo ka kala yimiid Gobollada Dalka iyo gobolkan Banaadir.

Siminaarkan ayaa lagu bixinayaa Casharo la Xariira maareynta iyo qorsheynta tayada heerka Waxbarashada oo la siin doono guddoonada iyo kormeerayaasha Waxbarsho.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xasan Maxamed Cali ayaa kula dardaarmay  maclimiinta tababarkan qaadanaysa in ay ka faa’iideestan casharada lagu bixnaayo tababarkan.

Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  ayaa daahfuray siminaarkan,isagoo macalimiinta u rajeyay in ay waxyaabaha ay ka faa’idaystaan in bulshada ay ku celin doonaan.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan  oo ay Wehlinayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xasan  Maxamed Cali,Xoghayaha  Wasaaradda Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo Xubno ka tirsan howl wadeenada Wasaaradda  ayaa  Kormeer ku tagay Xabsiga Dhexe ee Xamar,iyadoo uu halkaasi ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan iyo Taliye ku xigeenkiisa.

Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo uu weliyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa kormeerey iskuulka ay Wax ku bartaan maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar, xiligaasi oo maxaabiista la siinayay Cashiro la xariira Taariikhda Dalka.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa ugu deeqay Dhalinyarada maxaabiista ah ee wax ka barta Iskuulka Xabsiga dhexe Xamar Agab waxbarasho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...