Ra’iisul wasaare Kheyre maamul wanaaga aan gaarnay waxay sababtay in dunidu usoo jeesato maalgashiga soomaaliya.

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay Hormarka ay ku talaabsatay Xukuumadda intii ay dhisneyd.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in mudada ay Xukuumadda dhisan tahay in ay muuqato rajo wanaagsan oo qof kasta oo Soomaali ah ku jirta Mustaqbalka, sidoo kale dhamaan shaqaalaha dowlada in la siiyay Mushaarkooda, keyd dhaqaalana uu dowlada u yaalo.

“waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed anagu waxaan dalka joognaa in ka yar sanad, sanadka intii ka yareyd waxaa muuqata rajo ah in qof walbo oo Soomaaliyeed ay rajadiisa wanaagsanaan doonto Mustaqbalka,sanadka iyo intii ka yareyd aan joognay qof kasta Mushaarkiisa wuu qaatay, anagoo bixinay mushaarka oo dhan hadana dhaqaalo gaaraya 20 milyan ayaa dowlada u yaala”. Ayuu yiri Kheyre.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa dhinaca kale ka hadlay sida dunida diyaar ugu tahay inay xukuumada Soomaaliya kala shaqeyso hormarka dalka dhinac kasta, isagoo sheegay inay ku guuleysteen saxiixida Mashaariicyo waa weyn.

“Anagoo joogna sanad ka yar ayay dunida na leedahay waxaan idin kala shaqeyneynaa sidii dhaqaalaha loo kobcin lahaa, anagoo joogna sanad ka yar ayaa 200 oo Milyan la saxiixanay dowlada Qatar, anagoo joogna sanad ka yar ayaa dowlada Mareykanka la saxiixanay 300 oo Milyan, anagoo joogna sanad ka yar ayaa Midowga Yurub waxay nagu soo wareejiyeen inaan saxiixno heshiis kasta oo aan geli karno oo iyagu aanay go’aan inoo gaari Karin”.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in la dagaalanka Musuq maasuqa uu yahay markasta ahmiyadooda koowaad, isagoo xusay in Sharciga la dagalaanka Musuqa ay horgeeyeen Baarlamaanka sidoo kalena la sameynayo Guddi Madax banaan oo la dagaalanka Musuq maasuqa ah

“anaga ka xukuumad ahaan dowlada hada jirta la dagalaanka musuq maasuqa wuxuu inoo yahay sidaan idin sheegay Falsafadii koowaad sida Dhaqaalaha Soomaaliya uu yahay midka koowaad ee laga fekero ayuu Musuq maasuqana u yahay in laga fekero, Baarlamaanka Soomaaliya ayaan u gudbinay sharciga la dagaalanka Musuq maasuqa, hada waxaan rajeyneynaa haduu ilaah yiraahdo golaha markii ay dhameystireen in aqalka sare iyaguna ay soo dhameystiraan, hada waxaan xooga saareynaa inaan dhisno guddi madax banana oo la magac baxay guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa, Maalintii dhibibada loo taago guddigaas madaxa banaan oo xukuumada ka madax banaan oo isaga fuliya wax kasta uu u baahan yahay oo ka hor taga musuq maasuqa ah, waxaan aaminsanahay dalka inuu talaabo weyn hore u qaadayo”. Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ku amaanay doorka muuqda ay ku leeyihiin hormarka dalka, isagoo ugu baaqay inay sii laba jibaaraan si hormar balaaran uu dalka u gaaro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiiru-Dowlaha Caddaaladda oo xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin...