Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow xarigga ka jaray xarunta laga hagi doono Maamulka Hawada Soomaaliya oo markii u horeysay muddo 27 sano kaddib laga maamuli doono magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayuu Madaxweynuhu waxaa uu kormeer ku sameeyay qalabka laga hagi doono Maamulka Hawada, isagoo boggaadiyay howsha socota.
Madaxweynaha ayaa mar loo dhiibay qalabka isgaarsiinta ee laga hago diyaaradaha ku jira Hawada Soomaaliya, isagoo la hadlay diyaarado hawada ku jiray.
Waxaa Munaasabadda ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanada labada Gole, Madaxweynaha Galmudug, marti sharaf kale, qeybaha bulshada iyo madax ka socota Hey’adda ICAO.
.