Guddoomiye Thaabit oo Dawooyin gaarsiiyey Xabsiga dhexe ee Xamar

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta deeq dawo ah ku wareejiyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana ka guddoomay Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye gaas Xuseen Xasan Cismaan oo ay wehliyeen ku xiggeenadiisa iyo saraakiil kale.

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa deeqda dawada ah ee uu ku wareejiyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaa uu ugu talo galay Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran, si loogu dabiibo, ย Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa sidaasi sheegay.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan, ayaa Maamulka Banaadir uga mahad celiyey deeqda dawada ah ee ay soo gaarsiiyeen, isagoo xusay in wax badan ay ka tari doonto adeega dhanka caafimaadka ee Isbitaalka Xabsiga dhexe ee Xamar ka jirta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...