Guddoomiye Thaabit oo Dawooyin gaarsiiyey Xabsiga dhexe ee Xamar

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta deeq dawo ah ku wareejiyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana ka guddoomay Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye gaas Xuseen Xasan Cismaan oo ay wehliyeen ku xiggeenadiisa iyo saraakiil kale.

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa deeqda dawada ah ee uu ku wareejiyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaa uu ugu talo galay Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran, si loogu dabiibo,  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa sidaasi sheegay.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan, ayaa Maamulka Banaadir uga mahad celiyey deeqda dawada ah ee ay soo gaarsiiyeen, isagoo xusay in wax badan ay ka tari doonto adeega dhanka caafimaadka ee Isbitaalka Xabsiga dhexe ee Xamar ka jirta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...