Hogaamiyaasha Ururka Iskaashiga Islaamka oo Caasimadda Falastiin u Aqoonsaday Qudus

Date:

Ururka iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa shaaciyay in Bariga Jerisalem ay tahay caasimadda Falastiin,iyagoo iska diiday go’aankii Mareynkanka ee ahaa in Qudus ay tahay caasimadda rasmiga ah ee Israel,waxayna Beesha caalamka ugu baaqeen iney ku raacaan go’aanada ka soo baxay.

ka dib shir deg deg ah oo ay Hogaamiyaasha Dunida Muslimka ay ku yeesheen Turkiga todobaadka ka dib markii madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israel ayaa waxay iyagana dhamaan Aduunka oo dhan ugu baaqeen iney Aqoonsadaan caasimadda Falastiin iyo in Bariga Jerusalem ay tahay caasimad xoog lagu heysto.

Mar uu madaxweynaha Turkiga Erdogan uu ka hadlayay shirka hogamiyaasha Muslimiinta ayaa dalalka Muslimiinta ku baraarujiyay in Qudus ay u aqoonsadaan in ay tahay “caasimadda xoogga lagu haysto ee Falastiin”

Hadalka uu ka jeediyay kullanka Ururka Iskaashiga Islaamka ayuu ku sheegay in go’aanka Mareykanka uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil in uu yahay “waxba kama jiraan”.

Erdogan ayaa markale Israa’iil ku Tilmaamay “dalka argagixisada”.

Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta, Maxamud Cabbas ayaa sheegay in “Mareykanka uu iska dhigay dal aan u qalmin in uu door ku yeesho geedi socodka nabadda”.

Dhulka barakeysan ee Qudus ayaa ah waxa lagu muransan yahay, taas oo micneheedu yahay in hoggaamiyayaasha Carabta ay yar tahay in ay hoos uga dhacaan qaabkan waaqiciga ah, ayna ugu dambeyn la qabsadaan arrimaha muhiimka ah ee uu ku saleysan yahay dagaalka u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...