Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Addis Ababa

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dawladda Ethiopia iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas Amb. Maxamed Cali Nuur.

Mudane Khadar ayaa ka qayb gali doona munaasabada xuska 12aad ee 29ka Hidhaar maalinta Qowmiyadaha dalkaas Itoobiya oo maalinta bari ah ka qabsoomi doonta xarunta dawlad deegaanka canfarta ee magaalada samara, waxuuna halkaas ka jeedin doonaa khudbad. Iyadoo munaasabaddan ay sidoo kale ka soo qeyb gali doonaan wufuud ka kala socota dalalka caalamka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa inta uu joogo dalka Itoobiya waxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda dalkaas, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka, iskaashiga iyo arrimo kale oo muhiim u ah labada dawladood.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...