Golaha Shacabka oo ansixiyay Misaaniyadda Dowlada 2018

Date:

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya waxaa maanta shir guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudeey, waxaana Xildhibaanada ay ansixiyeen Miisaaniyadda Dowlada ee sanadka 2018

162-Xildhibaan ayaa ogolaatay Miisaaniyadda dowlada ee 2018, halka uu diiday Hal Xildhibaan Midna uu ka aamusay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale  Beyle ayaa kaga mahad celiyay dhamaan xubnaha golaha shacabka ee meel mariyay Miisaaniyadda, wuxuuna ku tilmaamay Talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Qaraar uu soo diyaariyay Guddiga arimaha dibada ee Baarlamaanka oo ku aadanaa Cambaareynta go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Israa’iil.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...