Turkiga oo qabanaya kulan sadex geesood ah oo la xiriira amniga

Date:

Taliyaha ciidamada Turkiga ayaa lagu wadaa in 14-ka bishan uu la kulmo dhigiisa dalka Ciraaq iyo saraakiil ka socota dalka Mareykanka ,sida ay xaqiijiyeen maalinimadii ย shalay saraakiil ka tirsan dalkaasi.

Kulankaasi oo sadex geesood ah waxaa Taliyaha ciidamada Turkiga ย oo lagu magacaabo Hulusi Akar, uu dhigiisa dalka Ciraaq Gen. Osman Damini iyo taliyaha Mareykanka u qaabolsan Yurub Curtis M. Scaparrotti ย uu kala hadli doonaa ย arimo la xiriira xagga ammaanka gobolka

Kulankaasi oo lagu wado in uu ka dhoco xarunta ciidamada dalka Turkiga waxaa kaloo ka qeybgalaya taliyaha ciidamada Mareykanka ee bartamaha Joseph L. Votel, sida laga soo xigtay war qoraal ah oo ka soo baxay cidamada Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale