Shirka Caalamiga ah ee Dhaqanka & Dalxiiska oo maanta ka furmaya dalka Cumaan

Date:

Muqdisho(SONNA);– Waxaa maanta magaalada Masqad ee dalka Cuman ka furmaya shirka caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Dalxiiska oo diirada lagu saarayo horumarinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Aduunka.

Shirkan oo ah kii labaad ee Caalami ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ay soo qabanqaabiyeen Hay’ada Dalxiiska Adduunka ee Qaramada Midoobey (UNWTO) iyo UNESCO ayaa socon doona 11-12-ka bishan December,waxaana inta uu socdo lagu lafa gurayaa sidii loo joogteyn lahaa horumarinta Dhaqanka & Dalxiiska Adduunka.

Soomaaliya oo qeyb ka ah shirkaan ayaa waxaa uga qeyb galaya Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow,waxaana Wasiirka shirka ku wehliya Cumaan Yasir Baffo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska.

Mas’uuliyiintan ayaa waxaa ku soo dhoweeyey magaalada Masqad ee dalka Cumaan Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Cumaan Mudane Abdirizak Farah Ali Taano iyo mas’uuliyiin ka socota dowladda Cumaan iyo Hay’ada Dalxiiska Adduunka.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng,Yariisow ayaa lagu wadaa in shirka uu ku soo bandhigo fursadaha Soomaaliya ee dhinaca dalxiiska iyo caqabadaha ka hortaagan iney horumariyaan Dhaqanka iyo Dalxiiska,isagoo si gaar ah diirada u saari doona horumarada sanadihii ugu danbeeyay laga gaaray dhinaca dalxiiska.

Dhanka kale,Wasiirka Warfaafinta ayaa shalay kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka H.E. Talib Rufai iyo mas’uuliyiinta Hay’adaas, iyadoo Safiir Taano iyo Yasir Baffo ay Wasiir Yarisow ku wehliyeen kulankan. Arrimaha laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa qorsheyaasha Somalia ee lagu soo nooleynayo dalxiiska iyadoo Wasiir Yarisow uu sharaxay ahmiyada ay dalka u leedahay si loo helo maalgeshi caalami ah iyo arrimo kale.

Wasiir Yarisow ayaa sheegay in Soomaalida ay dhaqan ahaan yihiin dad si sharaf leh martida u soo dhoweeya isla markaasna jecel safarka, tanoo siineysa awood ah in dalxiiska si deg-deg ah loo soo nooleyn karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland oo soo afjaray Khawaarijtii weerartay deegaanka Kudhaa.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Kumaandooska Danab iyo kuwa...

Wasiirka Dekedaha XFS oo uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Is-afgaradka Dekadaha Badweynta Hindiya.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir...