Maamulka G/Hiiraan oo Qorsheynaya Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Date:

Muqdisho(SONNA);– Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobalka Hiiraan Xuseen Cusmaan Muumin oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa shaaca ka qaaday iney dhawaan howlgal ka dhan ah Kooxda Argagixisada Al-Shabaab,kaasi oo la doonayo in looga sifeeyo deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.

“Waxaa saacadaha soo socda bilaaban doonaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaabka soo galay deegaanada hoos yimaad Gobolka Hiiraan,umana dul qaadan doono in horteena maalin walba dad shacab ah ku dhibaateeyaan”, ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan.

Kooxda Nabadiidka Al-Shabaab ayaa la sheegay in shalay gelinkii danbe ay gubeen ilaa iyo shan gaadiid oo badeeco ganacsi u siday degmooyinka ay go’doomiyeen ee Gobollada Hiiraan iyo Bakool,waxaana sidoo kale marar badan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab weeraro gaadmo ah ku qaadeen kolonyo gaadiid oo galbinayo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa wada howlgal lagu ciribtirayo Al-Shabaabka fara ku tiriska ah ee ku haray deegaano iyo degmooyin ka tirsan dalka,waxaana soo baxaya khilaaf xoogan oo hareeyay madaxda ugu sareysa Ururka Al-Shabaab,kaasi oo hadda maraya meeshii ugu xumeyd.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo diray qalabkii doorashada qof iyo codka ah ee Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho...

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray liiska goobaha codbixinta doorashada Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu...

Kulan looga hadlayay horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo qaban...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...