Dagaal ka dhashay Khilaafka Horjoogayaasha sar sare ee Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Gedo

Date:

Muqdisho (SONNA) Dagaalkaan oo dhaxmaray  Maleeshiyaad taabacsan horjoogaha Al-shabaab ugu macagacaaban gobolka Gedo iyo maleeshiyaad kale oo katirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilo wareedyo kala duwan iyo qaar kamid ah dadka deegaanka oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in horjoogaha oo lagu magacaabo Fiiley maleeshiyaad taabacsan ay dagaal xoogan la galeen maleeshiyaad kale oo katirsan Al-shabaab oo uu khilaaf soo kala dhex galay, waxaana la xaqiijiyey in ay jiraan qasaaro dhimasho oo gaareysa inkabadan 10-maleeshiyaad, halka dhaawacana la sheegay in intaasi uu ka badanyahay.

Xiisad ayaa wali ka taagan sida wararku ay sheegayaan goobihii lagu dagaalamay iyada oo wali laisku hub uruursanayo, waxaana wariyeyaal ku sugan gobolka Gedo ay SONNA u sheegeen in maleeshiyaadkii taabacsanaa Horjooge Fiiley iyo isagaba ay ku sugan yihiin deegaanka Wargaduud, halka maleeshiyaadkii uu la dagaalamay ay joogaan deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo oo uu dagaalku ka dhacay.

Sargaal katirsan Ciidanka Xoogga dalka oo ku sugan gobolka Gedo ayaa SONNA u sheegay in ay ka war hayaan dagaalka dhexmaray maleeshiyaadka ka wada tirsan Al-shabaab, islamarkaana dhawaanahaan uu jiray qilaaf soo kala dhex galay Argagixisada ku sugan gobolka Gedo, kaas oo ku saleysan kala shaki dhexdooda ah iyo qaabka loo maamulayo hantida iyo xoolaha ay ka dhacaan dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanada gobolka Gedo.

Dagaalka u dhaxeeya maleeshiyaadka ka wada tirsan Al-shabaab ayaa imaanaya iyada oo horjoogaha ugu sareeya Al-shabaab Axmed Diiriye uu usoo baxsaday gobolka Gedo kadib markii ay is qabteen horjoogeyaal sar sare oo ay kawada tirsan yihiin Al-shabaab, iyada oo intaasi ay usii dheertahay howlgalada ay hogaamineyso dowladda Soomaaliya ee ka socda gobolada dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqoon-isweydaarsi muhiim ah oo Muqdisho uga furmay xafiisyada warfaafinta hay’adaha DF

Aqoon isweydaarsigani oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO QAABILAY SAFIIRKA DOWLADDA INGIRIISKA EE SOOMAALIYA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga arrimaha bulshada BFS oo dalka Rwanda kaga qeybgalay kulan muhiim ah

Wafdi ka socda Hay’adda KMG Mareynta Daawada ee Wasaaradda...

laftagareen oo kormeeray dhismaha Cusub Terminaalka ee Garoonka Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...