QM oo cambaareysay go’aanka Madaxweyne Trump

Date:

Newyork(SONNA) Kadib shir deg deg oo ay isugu yimaadeen Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa kaasi oo looga hadlayay Arinta Qudus ayaa dalalka xubnaha ka ah marka laga reebo Maraykanka waxay cambaareeyeen go’aankii uu madaxweyne Trump magaaladaasi ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe, Nickolay Mladenov, ayaa ka digay in tallaabada Maraykanka ay dhalin karto dhibaato aan la mahdin oo ka dhex billaabata Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Dhanka kale Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Nikki Haley, ayaa ururkaasi ku dhaliishay inuu wax u dhimayo hannaanka nabadda looga dhalinayo Bariga Dhexe.

Sidoo kale, ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa inuu maanta ka shiro go’aanka Madaxweyne Trump ee ku aadan magaalada Qudus.

Go’aanka Trump ayaa waxaa dhaliilay dalal badan oo caalamka, ayna ka mid yihiin kuwo xulafo dhaw la ah dalka Maraykanka.

Dhanka kale, gantaal laga soo riday marinka Qaza ayaa ku dhacay magaalada Sderot ee koonfurta Israa’iil, ayadoo ay weli socdaan rabshadaha ka dhashay arrinta Qudus.

Lama sheegin khasaaro nafeed oo uu geystay gantaalkaasi, balse waxaa uu burburiyay gawaari dhowr ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...