Kulan looga tashanayo dib usoo celinta Shirkaddii Somali Airline oo ka furmay Muqdisho”Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Kulankaan ayaa looga hadlayey sidii dib loogu soo celin lahaa Shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airline, waxaana ka qeyb galay masuuliyiinta wasaaradda oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda C/raxmaan Xersi Kulmiye, xubno kasocday Guddiga Gaadiidka ee Baarlamaanka iyo qaar kamid ah shaqaalihii shirkadda Diyaaradaha Soomaali Airline.

Kulanka ayaa intii u socdey waxaa la is dhaafsadey fikrado ku aadan qaabka ugu fadud ee loo howgalin karo Shirkadda Somali Airline oo baahi weyna ay u qabaan bulshada in la helo adeegyadii ay qaban jirtey.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gadiidka iyo Duulista hawada  Mudane C/Raxmaan oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in wasaaraddu ay waqti badan gelineyso in dib loo soo celiyo shirkadda Diyaaradaha Soomaali Airline oo ahmiyad weyn u leh bulshada Soomaaliyeed.

Mudane C/raxmaan Xirsi Kulmiye ayaa tilmaamay in kulankaan oo socon doona muddo sadex maalin ah ay ku wareysan doonaan shaqaalihii hore ee Shirkaddaasi, islamarkaana fikrado iyo talooyin ay ka qaadan doonaan.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa mudo dheer soo waday qorshaha la doonayo in dib loogu soo celiyo shirkaddii Diyaaradaha Somali Airline, iyada oo sameysay wadatashiyo iyo shirar kala duwan oo arintaasi looga hadlayo.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....