Koxda Kubadda Cagta K/Galbeed oo 1-0 kaga badisay Hirshabeele iyo labada madaxweyne oo ka hadlay+Sawiiro

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa  maalintii labaad ka dhacay magaalada Muqdisho tartankii ciyaaraha Gobolada,iyado maanta ay isaga hor yimaadeen kooxaha ku badda cagta Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.

Waxaa goobjoog ka ahaa Daawashada ciyaartan Madaxweynaha  Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha KoofurGalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo weliba Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga dowladda Federalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u kululayd ayaa qeybtii hore ku soo dhamaatay goolal la’aan,hase yeeshee qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa ciyaartoyda labada dhinac ay bilaabeen dardar cusub,muddo kadib ayaa waxaa ay la yimadeen Koonfur Galbeed goal taasi oo ka dhigtay  in ay ku soo dhamaato ciyaarta K/Galeed 1-0 Hirshabeele.

Madaxweyne Shariif Xasan iyo Maxamed Cabdi Waare oo hadalo kooban halkaasi ka jeediyay ayaa dhiiro geliyay habsami u socodka Ciyaaraha socda,waxaana ay ku tilmaameen in ay tahay arrin lagu farxo in horumaro ay sameynayaan bulshada,kubadda cagtuna ay qeyb ka tahay.

Tartanka ciyaaraha Dowlad goboleedyada oo shalay si rasmi ah uga furmay garoonka kubbada cagta ee Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku wada ciyaaray xulka Banaadir iyo Jubbaland,ciyaarta ayaa 2-1 waxaa ku badiyay xulka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...