Madaxweyne Waare oo Casha sharaf u sameeyay Xulka kubbadda Cagta ee Hirshabeelle-(Sawirro)

Date:

Muqdisho-SONNA)-Kulan Casha sharaf iyo dhiirri gelin ah ayaa waxaa Xalay Magaaladan Muqdisho loogu sameeyay xulka kubadda cagta ee Hirshabeelle, kaasoo ay kasoo qayb galeen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabelle  Mudane Maxamed Cabdi Waare, Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Cayaaraha Hirshabell Gudoomiyaha gobolka Shabeellada dhaxe  Gudoomiyah Arrimah Bulshada gobolka shabelah dhaxe iyo gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan.

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Hirshabelle Cabdi qani jeenyo oo madasha ka hadlay ayaa ku Ammaanay Ciyaartooyda   Hirshabeelel dedaalka iyo diyaargaroowga dheer ee ay Sameeyeen, isagoo ka sheekeeyay taariikhdii ay Hirshabeelle ku lahayd Sportiga Dalka.

Gudoomiye Ku Xigeenka Barlamaanka Hirshabelle  Cabdi Xuseen Geedi  ayaa u rajeeyay dhalinyarada kubadda cagta hirshabelle  inay ku guuleestan koobkaasi, wuxuuna faray inay la yimmaaddaan dedaal iyo dhabar adayg ku aaddan hanashada Koobka Kubbadda Cagta ee Maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabelle  Mudane Maxamed Cabdi Waare  ayaa ugu ku boorriyay Ciyaartooyda Hirshabelle in tartanka koobka  Dawlada gobleedyada iyo gobolka Banaadir ay guulo la taaban karo ka soo hooyaan, soona celiyaan kaalintii ay kaga jireen Sportiga Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ee Casimadda Soomaaliya ayaa Marti galisay Sanadkii 2aad ee tartanka ciyaaraha Dawlad Goboleedyada Dalka, markaas oo ay koobka hanatay Ciyaartooydii ka socotay Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...