Wasiir Yariisow oo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Gaduudo Carwo

Date:

Muqdisho(SONNA):– Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Eng: C/raxman Cumar Cismaan “Yariisoow” ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allaha u naxariistee Shamis obokar oo loo yaqaanay “Gaduudo Carwo” taasoo saaka ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

“Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun, waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladi iyo qoyskii ay ka baxday Allaha u naxariistee Gaduudo Carwo oo ka mid aheyd fanaaniinta ugu magaca dheer dalkeenna Soomaaliya” Ayuu yiri Eng: Yariisoow oo saaka ka hadlayay telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Gaduudo Carwo oo ka mid aheyd gabdhihii ugu horeeyay fanka Soomaalida ayaa in muddo ah ku xanuunsaneysay magaalada Hargeysa, iyadoo ugu dambeyn waaberigii saaka ku geeriyootay isla magaaladaasi Hargeysa.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...