Sidee Hogaamiyeyaasha Beesha Caalamka iyo kuwa Dunida Muslimka uga jawaabeen Go’aankii Trump?

Date:

Muqdisho(SONNA);– Hogaamiyaasha Dunida Muslimka ayaa si caro leh uga jawaabay go’aanka ka soo baxay madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump ee  magaalada Qudus ugu Aqoonsaday caasimadda rasmiga ah ee Israa’il.

Mareynkanka ayaa doonaya in Safaaradiisa uu ka soo raro Tel Aviv una soo raro Jerusalem,waxaana sidaasi Khudbadiisa ku cadeeyay madaxweyne Trump oo Telefishinka ka hadlayay.

Halkaan waxaan  idin kugu soo gudbineynaa sida Hogaamiyaasha caalamka iyo kuwa Dunida Muslimka ugu jawaabeen Go’aanka Trump:-

Hogaamiyeyaasha dunida muslimka iyo guud ahaan beesha caalamka oo dhan ayaa si weyn u dhaleeceeyay tallaabada uu qaaday Trump, waxa ayna ka digeen halista rabshado ka dhasha arrintaan iyo in ay horseedo dhiig daato.

Xoghayaha guud ee hay’adda Qaramada Midoobay Antonio Guterras, ayaa sheegay in aysan jirin wax lagu beddelo xal u raadinta Israa’il iyo Falastiin, waxa uuna ku tilmaamay mowqifka Mareykanku mid laga murugoodo.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, oo booqasho ku jooga dalka Aljeria ayaa isna ku tilmaamay hadalka Trump wax laga xumaado, waxa uuna ku baaqay dadaalo nabadeed iyo in laga fogaado rabshado.

Michel Aoun, madaxweynaha Lubnaan ,ayaa sheegay in go’aanka Mareynkanka uu yahay mid qatar gelinaya hanaanka Nabad galyada iyo xasiloonida Bariga dhexe.

Sidoo kale, Dowladda Jordan oo war ka soo saartay Go’aanka Trump ayaa ku tilmaantay mid sharcidaro ah oo xaqsiinaya dhulka ay Isra’il xooga kaga heysato Falastiin ee Bariga Jeruslem.

Wasiirka Arimaha Dibada Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay” In go;aanka Trump uu gaaray yahay mid ciqaab dhimasho ku ah dhamaan dadaalada nabada lagu doonayo iyo Qatar hor leh oo soo wajahda Bariga dhexe”.

Jeremy Corbyn, oo ah hogaamiyaha Xisbiga Shaqada ee dalka UK, ayaa ugu yeeray go’aanka Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimada rasmiga ee Isra’el mid qatar ku ah Nabada.

Benjamin Netanyahu, Ra’iisal wasaaraha Israel,ayaa sheegay in maalin taariikhi u tahay wadanka.

Hay’adaha u dooda xuquuda Aadanaha ayaa cambaareeyay go’aanka ka soo baxay Madaxweyne Trump ee uu ku muujiyay in Qudus ay tahay caasimada rasmiga ah ee Isra’el.

Dalka Turkiga, dibadbaxayaal ayaa isugu tagay banaanka hore ee safaarada Mareykanku ku leeyahay magaalada Istanbuul. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa waxa uu isna ku tilmaamay go’aanka Mareykanka geyru mas’uulnimo.

Saraakiisha Aqalka Cad waxa ay dhankooda sheegeen in go’aanka Madaxweyne Trump uu yahay “Ictiraaf waaqica haatan jira iyo taariikhdaba” balse ma ahan bayaan siyaasadeed oo rasmi ah, mana beddeli doonto xuduudaha iyo siyaasadda magaalada Qudus.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...