Kuuriyada Woqooyi oo ku macneysey dhoolatuska Maraykanka bilaw dagaal

Date:

Muqdisho(SONNA):– Wassaaradda Arrimaha dibada kuuriyada Woqooyi ayaa sheegtey dhoolatuska balaaran ee  ay wada jirka u samaynayaan Maraykanka iyo Kuuriyada koonfureed iyo sidoo kale hanjabaada Maraykanka ee ku aadan Pyongyang inay horseedayso dagaal ka qarxa gacanka Kuuriya.

Xiisada gacanka Kuuriya ayaa sii xumaanaysey bilihii u dambeeyey kadib markii kuuriyada Woqooyi si isdaba joog ah u tijaabisay nooca xambaara Madaxyada Nuclearka

Kuuriyada Woqooyi waxay sheegtey todobaadkii la soo dhaafey inay tijaabisey gantaalihii ugu badnaa  isla markaana horumar balaaran ka samaysey xaga gantaalaha qaaradaha iskaga gudba sidoo kalana waxay iska dhaga tirtay baaqyada iyo qaraarkii Qaramada Midoobey ee looga dalbanayay inay joojiso tijaabada gantaalaha

La-taliya amniga Qaranka Maraykanka HR Mcmaster ayaa sheegay in halista dagaal ka qarxa gacanka Kuuriya maalinba maalinta ka dambaysa soo dhawaanayo

Arbacadii la soo dhaafay dhoolatuska waxa kusoo biiray diyaarada casriga ah ee P1P waxaanu socon doonaa ilaa jimcaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...