Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose oo kormeeray mashaariic maamulka uu ka hirgelinayo degmadda Afgooye “Sawirro”

Date:

Afgooye (SONNA), Guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose, Mudane Ibraahim Aadan Najax,  ayaa maanta kormeeray goob laga dhisayo xarunta cusub ee uu ku shaqeeyndoono maamulka gobolkaasi.

Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax, ayaa waxaa kormeerka ku wehlinayay guddoomiye ku xiggeennada amniga iyo maaliyadda gobolka Shabellaha hoose,  guddoomiyaha degmadda Afgooye iyo saraakiisha ciidanka.

Mas’uuliyiinta gobolka Shabellaha hoose, ayaa kormeer ku tagay dhul banaan oo laga dhisayo xarunta maamulka gobolka Shabellaha hoose suuqa xoolaha degmadda Afgooye oo dhowaan mamulka gobolka uu burburin ku sameeyay, kadib  dhismooyin sharci darro ah oo suuqa laga dhisay iyo saldhigga Booliska degmadda Afgooye oo maamulka gobolka iyo kan degmada ay dayactir ku sameynayaan.

Guddoomiyaha degmada Afgooye, Cabdi naasir Caalim Macalin, ayaa Maamulka gobolka shabeellaha hoose uga mahadceliyay dib u dhiska ay degmada ka wadaan.

Guddoomiyaha gobolka Shabellaha hoose,  Ibraahim Aadan Cali Najax, ayaa sheegay in maamulka gobolka shabellaha hoose uu billaabayo dhismaha xarun uu ku shaqeeyo maamulka gobolka, isagoo mamulka degmadda Afgooye ku booriyey sugidda amniga iyo horumarinta bulshadda.

Maamulka gobolka Shabellaha hoose ayaa mudooyinkii dambe waday mashaariic lagu horumarinayo degmooyinka gobolkaasi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...