Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose oo kormeeray mashaariic maamulka uu ka hirgelinayo degmadda Afgooye “Sawirro”

Date:

Afgooye (SONNA), Guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose, Mudane Ibraahim Aadan Najax,  ayaa maanta kormeeray goob laga dhisayo xarunta cusub ee uu ku shaqeeyndoono maamulka gobolkaasi.

Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax, ayaa waxaa kormeerka ku wehlinayay guddoomiye ku xiggeennada amniga iyo maaliyadda gobolka Shabellaha hoose,  guddoomiyaha degmadda Afgooye iyo saraakiisha ciidanka.

Mas’uuliyiinta gobolka Shabellaha hoose, ayaa kormeer ku tagay dhul banaan oo laga dhisayo xarunta maamulka gobolka Shabellaha hoose suuqa xoolaha degmadda Afgooye oo dhowaan mamulka gobolka uu burburin ku sameeyay, kadib  dhismooyin sharci darro ah oo suuqa laga dhisay iyo saldhigga Booliska degmadda Afgooye oo maamulka gobolka iyo kan degmada ay dayactir ku sameynayaan.

Guddoomiyaha degmada Afgooye, Cabdi naasir Caalim Macalin, ayaa Maamulka gobolka shabeellaha hoose uga mahadceliyay dib u dhiska ay degmada ka wadaan.

Guddoomiyaha gobolka Shabellaha hoose,  Ibraahim Aadan Cali Najax, ayaa sheegay in maamulka gobolka shabellaha hoose uu billaabayo dhismaha xarun uu ku shaqeeyo maamulka gobolka, isagoo mamulka degmadda Afgooye ku booriyey sugidda amniga iyo horumarinta bulshadda.

Maamulka gobolka Shabellaha hoose ayaa mudooyinkii dambe waday mashaariic lagu horumarinayo degmooyinka gobolkaasi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...