Golaha Shacabka JFS oo maanta ka hadlay dhibaatada Soomaalida tahriibeyaasha ah ku heysata dalka Liibiya

Date:

Muqdisho (SONNA), Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka shir guddoominayay,  ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore ee Dalka Yeman Cali C/lla Saalax oo dhowaan dalkaasi lagu dilay.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka dhalinyaradda Soomaaliyeed ku heysato dalka Liibiya oo ah marinka dhalinyaro badan oo tahriibayaal ah ka dib soo jeedin ay guddoonka golaha u soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ,wuxuuna sheegay in guddiga arrimaha dibada ee Golaha Shacabka looga fadhiyo in ay keenaan qorshe dhalinyarada Soomaaliyeed dhibaatada dalalka dibada  ku heysto looga soo badbaadinayo.

Intaasi ka dib waxaa loo gudbay Ajednaha kulanka oo ahaa qeybinta iyo akhrinta Qorshe howleedka guddiyada Golaha Shacabka ,waxaana guddi walba uu golaha ka hor jeediyay qorshe hawleedka golaha loo qeybiyay iyo qeybta  guddigiisa ka quseysa.

Guddoomiyaha golaha shacabka JFS,  ayaa sheegay in maadaamaa kalfadhigii koowaad Mudanayaasha golaha shacabka uu uga dhammaaday dhisida hay’addaha dowladda ay guddiyada joogtada ah kalfadhigan dadaal geliyeen sameynta qorshayaashii ay ku howlgeli lahaayeen.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka soo xiray,  ayaa sheegay in guddi walba looga baahanyahay inay kawada shaqeeyaan hir gelinta qorshayaasha maanta la qeybiyay, wuxuuna sidoo kale guddomiyaha uu sheegay in 16-ka Bishan ay xirmi doonaan kulamada guud ee golaha Shacabka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...