Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukuno ku riday Afar Eedeysane oo Al shabaab lala xiriirinaayay

Date:

Muqdisho (SONNA) Dacwada loo heysto afar eedeysane oo lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Maleeshiyaadka Al Shabaab gaar ahaan qaraxyo ka dhacay sedax maqaaxi oo ku yaala wadada Maka Almukarama ee Magaaladda Muqdisho, ayay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida go’aan ka gaartay Dacwadooda iyo Eedaha loo heystay.

Dacwadaha afartan qof uu xafiiska xeer ilaalinta guud ee Maxkamada ciidamada qalabka sida kusoo oogay ayaa  soo maray heerar kala duwan ,waxaana dacwadooda ay soo martay ilaa sedax dhageysi maxkamadeed oo intooduba ahaa kuwo furan oo dadweynuhu ay si furan uga soo qeyb galayeen,sidoo kale eedeysanayaasha waxaa u doodayay abuukaatayaal ama qareeno si aysan u dhicin duudsi cadaaladeed eedeysanayaashuna ay u helaan hufnaan cadaaladeed oo ay ku qanci karaan.

Xafiiska xeer ilaalinta guud ee ciidamada qalabka sida ayaa maxkamada hor keenay cadeymo isugu jira qoraalo iyo muuqaalo uu xafiiska xeeer ilaalinta u cuskaday in ay cadeymo u yihiin eedaha loo heysto.

Afarta eedeysane ee ay maxkamada ku riday xukumada kala duwan ayaa  kala ah C/qaadir Abukar Shaacir oo lagu xukumay dil toogasho ah, Maxamed Cumar Akiile oo lagu xukumay Xabsi Daa’in, Daa’uud Maxamed Cali oo lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo C/laahi Ibraahim Geesey oo lagu xukumay Labo Sano oo Xabsi ciidan ah, waxaana eedeysanaha koowaad ee Cabdiqaadir Abuukar Shaacir oo ah qofka dilka toogashada ah lagu xukumay waxay maxkamada si gaar ah ugu eedeysay inuu ahaa shaqsigii sida tooska ah uga dambeeyay qaraxyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan lagu laayay oo ka dhacay sedax maqaaxi oo ka taala wadada maka al mukarama, waxay sidoo kale maxkamadu ay sheegtay in Cabdiqaadir uu ahaa shaqsigii kasoo muuqday muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee laamaha amniga, isagoo kasoo degaya mid ka mid gawaaridii qaraxyada lagu geystay gaar ahaa gaarigii ku qarxay kasoo hor jeedka Wasaaradda Amniga.

Colonel Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxkamada Darajada ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay go’aanka Maxkamada ee ka xiriira eedaha afartan eedeysan loo heysto,Isagoo sidoo kale sheegay in hadii aysan go’aanka  maxkamada ku qanacsaneyn ay racfaan ka qaadan karaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...