Madaxweyne ku xiggeenka Hirshabeelle oo kulan la qaatay Saraakiil Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka socday “Sawirro”

Date:

Jowhar (SONNA), Madaxweyne ku xiggeenka Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta  magaaladda Jowhar, kulan qado sharaf ah ugu sameeyey saraakiil Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka socday, kuwaasi oo uu kala hadlay arrimo ku saabsan amaanka  iyo tababarka Ciidanka amaanka ee ka howlgala deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Mudane Cali guudlaawe, ayaa saraakiishii uu kulmay oo loo xilsaaray in hirshabeelle ay kala shaqeeyaan tababarka Ciidamada Booliska kula dardaarmay  inay  tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo Ciidanka amaanka ay joogto u  siiyaan, ayna kaalin weyn ka qaataan nabadeynta deegaanada maamulkaasi.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka tirsan ee Hirshabeelle u aaday tababarka Ciidanka amaanka ee maamulkaasi, ayaa qeyb ah qorshaha Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya  ay wado ee ku aadan in Maamulada dalka ka jira laga caawiyo   tababarka  iyo qalabeynta  Ciidanka Nabad gelyada ee qaabilsan amaanka gudaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...

Duqa Muqdisho oo ka hadlay dhismaha Waddada Jamhuuriya ee degmada karaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab),...