Wejigii 2-aad ee shirkii London oo Muqdisho ka furmaya

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho wejigii labaad ee shirkii arrimaha Soomaaliya oo kol hore ka dhacay Magaaladda London ee xarunta Dalka Britain.

Shirka oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane: Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda Dowladda Soomaaliya,kuwa Dowlad goboleedyad iyo Beesha caalamka.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in shirkani diiradda lagu saari doono arrimaha Ammaanka iyo waxyaabihii u qabsoomey dowladda Soomaaliya.

“Wejigii labaad ee shirkii London ayaa muqdisho ka furmaya,waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo,shirka waxaa uu ku saabsan yahay soo bandhigista waxyaabihii dowladda Soomaaliy uga qabsoomay qodobadii ka soo baxay shirkii london,waa shir isla-xisaabtan ah,waxaana ka qeybgalaya Madaxda Soomaliya iyo beesha Caalamka,” ayuu yiri Eng Yariisow.

Dhanka kale,Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in muhiimada shirka ay tahay in dib u eegis lagu sameeyo horumarada ilaa iyo haatan laga gaaray Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya.

 “Guusha ayaa lagu qiyaasi doonaa iyadoo la tixgelinayo go’aamada muhiimka ah ee la qaadi doono si ay ciidamada AMISOM u qaadeen howlgalo wax ku ool ah, oo ay ku xoojinayaan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, si ay AMISOM u awood ugu yeelato in ay hirgeliso waajibaad cusub oo la siiyey iyada oo loo marayo Golaha Amaanka Inay noo ogolaato inaan awood u yeelano in aan fulino hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaannu sugnaa ammaanka guud, inaan ilaalinno xarumaha dadwaynaha, inaan la talino ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed , oo aan si wax-ku-ool ah u abuurno si ay awood ugu yeeshaan iney awooda dalka nagala wareegaan, ” Ayuu yiri Ambassador Madeira.

Bishii May isla sanadkan 2017 ayay ahayd markii magaalada London uu ka dhacay wejigii koowaad ee shirkaasi,oo laga soo saaray qodobo muhiim ah oo quseeyay arrimaha Soomaaliya,waxaana dowladda Soomaaliya ay ku soo bandhigaysa shirkani waxyaabihii uga qabsoomey shirkiii London.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...