Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo Muqdisho ku soo dhoweeysay Ciyaartowda Puntland iyo Jubbaland

Date:

Muqdisho(SONNA):– Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Marwo khadiijo Maxamed Diiriye oo ay wehliyaan ku-xigeenadeeda ayaa maanta ku soo dhoweysay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho ciyaartowda Dowlad Goboleedyada jubbaland iyo Puntland oo ka mid ah Ciyaartowda Maamul Goboleedyada ee ka qeyb galaya tartanka Ciyaaraha maamul Goboleedyada ee 7-da bishan ka furmaya magaalada Muqdisho.

Ciyaartowda labada Maamul Goboleed ayaa waxaa kala hogaaminaya Mas’uuliyin ka tirsan Jubbaland iyo Puntland,waxayna Mas’uuliyiinta  Warbaahinta Dowlada Soomaalia ugu warameen qaabka ay u dhacday soo dhoweyntooda iyo ujeedka ay u yimaadeen Muqdisho,Waxayna ka mid celiyeen sida ixtiraamka leh ee loogu soo dhoweeyay Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo soo dhaweyn ka dib la hadashay Warbaahinta ayaa bogaadisay ciyaartowda Puntland iyo Jubbaland ka kala socday ee maanta soo gaaray Muqdisho,waxay sheegtay in ahmiyad gaar ah uu xambaarsan yahay tartanka maamul Goboleedyada ee ka dhacaya Gobolka Banaadir.

Wasarada dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay koobkan oo ay ku tartami doonaan ciyaaryahanada kubadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo 7-da bishani furmayo,iyadoo lagu wado in la soo gabagabeeyo 23-bishan December.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Golaha Nabadda iyo Amniga AU ee AUSSOM iyo Suudaan

Mudane Cabdisalaam Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka ee Dalka  Aljeeriya

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo Qaar ka mid ah Ciidanka XDS ka saaray liiska Ciidannimada

WAR-SAXAAFADEED Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed...