Golaha shacabka oo ansixiyay Xubin ka mid noqon doonta Guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka

Date:

Muqdisho(SONNA):– Xildhibaanada Baarlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Golaha shacabka ayaa ansixiyay xubin ka mid noqon doonta  Gudiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.

Golaha Shacabka Jamuuriyada Fadaraalka marki uu furmay kulankooda waxaay cod aqlabiyadleh ku ansixiyeen xubinnimada Muumino Shiekh Cumar, oo noqoneysa Xubin ka mid ah Guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.

Muumino Sheikh Cumar ayaa lagu wadaa iney marto xildhibaanada  Aqalka sare si ay iyagana u ansixiyaan markaasi oo ay noqon doonto xubin buuxdo oo ka mid ah  Gudiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.

Muumino Sheikh Cumar oo ka mid ahayd Xildhibaanadii hore ayaa dhawaan waxaa sidan oo kale soo meel mariyay Xubinnimadeeda Guddiga Madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...