Dagaalo dad ay ku dhinteen oo wali ka socda dalka Yamen

Date:

Waxaa wali ka soconaya magaaalada caasimadda ah ee Sanca ee dalka Yamen, dagaalo u dhaxeeeya kooxaha falaagada Xuutiyiinta iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Yaman Cali Cabdalla Saalax.

Dagaaladan cusub ayaa waxaa ku dhintay tobanaan qof boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Iska hor imaadkan u dhaxeeyo xuutiyiinta ay barataareyso Iran iyo taageerayasha madaxweynihii hore ee Yamen Cali Cabdalla Saalax, ayaa bilowday maalintii Arbacada.

Labadan dhinac ayaa mid walba waxa uu doonayaa inuu gacanta ku dhigo goobo istaraatiiji ah sida dhismayaasha wasaaraddaha iyo madaarka caalamiga ah ee Sanca.

Illaa iyo haatan, labadan dhinac ayaa wali dagaal kula jira isbaheysiga uu hoggaaminayo Sucudi Carabiya oo si weyn u taageera xukuumadda Yamen ee dibad-jooga ah.

Dhanka kale, dowladda Sucudi Carabiya ayaa soo dhaweysay hadal kasoo yeeray Cali Cabdalla Saalax oo ah inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Isbaheysiga.

Basle Xuutiyiinta ayaa cambaareeyay hadalkaan uu ku dhawaaqay madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...